Saturday, February 17, 2024

 

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy oo sawir kasoo wada muuqday muddo

 kadib

Addis Ababa-  Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa maanta muddo kadib isku arkay si foolka fool ah, iyaga oo iskala qayb-galay furitaanka Shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika oo maanta si rasmi ah uga billowday magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

Labada nin oo si weyn isugu haya heshiiska badda ayaa kaoo wada muuqday sawir guud oo ay isla galeen madaxda ka qayb-galeysan shirka u furmay dalalka Midowga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad ka jeediyay kulanka, isaga oo ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda.

Sidoo kale wuxuu mar kale ku celiyay in aan la aqbali karin talaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhaqaaqday, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxeexdeen Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya,  Madaxweynaha ayaa   tallaabadaasi ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo Kuwa Afrika islamarkaana aan la aqbali karin.Arrintan ayaa dhalaisay hadal heyn xoogan, waxaana sawirka madaxweynaha iyo Abiy isla soo muuqdeen ka falceiyay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada.
Cabdixaafi Gubane  ayaa yiri “Rasal wasaare kuxigeenka maad u daysid shirka meel walba kamuuqo waa lagu mundane beelaa”.

DEG DEG: Al-Shabaab oo shaacisay inay dhinteen dhaqaatiirtii Cuba ee u afduubnaa

Jilib  – Kooxda Al-Shabaab ayaa goordhow shaacisay inay geeriyoodeen laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba oo muddo sanado ah u afduubnaa kooxda

Dhaqaatiirtan ayaa sanadkii 2019 waxay Al-Shabaab kasoo afduubteen gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, halkaasi oo ay ka wadeen howlo caafimaad.

Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay oo lagu baahiyey barta telegram ku sheegtay in dhaqaatiirtaas ay ku geeriyoodeen duqeyn ka dhacday magaalada Jilib. Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta warka kasoo baxay Al-Shabaab.Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee (AFRICOM) ayaa 14-kii bishan sheegay in duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Yaaq Dabeyl ee gobolka Jubada Hoose 9-kii Febraayo, halkaasi oo ay ku dileen laba xubnood.

Ilo-wareedyo ku dhow dowladda Soomaaliya ayaa dhanka kale ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab ay ayaga dileen labada dhaqtar, kadib markii ay sanado badan ka faa’iideyteen oo ay dhaqaatiir u tababareen.

Muddadii Al-Shabaab ay gacanta ku haysay dhaqaatiirta, waxaa fashilmay isku dayo iyo wada-hadallo la doonayey in lagu soo daayo.

Xigasho- https://www.caasimada.net